Howlgallo lagu baacsanayo Alshabaab oo ka socda gobolka Hiiraan.

0
93

Wararka, ka imaanaya gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaano hoos yimaada degmada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, ayaa sheegaya in ciidanka xoogga  dalka ay wadaan howlgallo ballaaran oo lagu baacsanaayo kooxda Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya  deegaanada Luuq-jeeelow iyo Baar.

Wararka, ayaa soo sheegaya in ilaa shan ruux oo lagu tuhunsan yahay in ay Alshabaab yihiin howlgalka lagu soo qabtay, sida ay xaqiijiyeen  saraakiisha ciidan ee gobolkaasi.

Howlgaladaan ayaa ka dambeeyay, markii maleeshiyo Alshabaab ahi ay dhaceen xoolo dad shacabka ah oo deegaanka degan ay leeyihiin sidaasna ciidanka ay ugu baxeen.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in howlgalka uu wali socdo isla markaana la bacsanayo maleeshiyada nabad diidka ah ee Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here