Howlgalo ka dhan ah AL-shabaab oo Bakool ka socda

0
154

Xudur(RKGS)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay howlgalo balaaran oo ka dhan ah AL-shabaab ka wadaan degmada Xudur ee gobolka Bakool iyo deegaano hoostaga

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in  howlgaladu ay shalay bilowday, islamarkaana maalmaha soo socda Al-Shabaab ay ka saari doonaan deegaano hoos yimaada magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM ayaa inta badan gobolka Bakool ka sameeya howlgallo ay ku baadi goobayaan dagaalyahano ka tirsan Shabaab, iyadoo laga saaray meelo badan oo ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here