HS&J oo sheegtay in uu yaraaday isticmaalka Baasaboorka Ajnabiga

0
117

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (koofi) ayaa sheegay in uu yaraaday isticmaalka Baasaboorka Ajnabiga, taa bedelkeedana uu kordhay qaadashada Baasaboorka Soomaaliga.

Wuxuu sheegay in ay jiraan ganacsato badan oo Soomaali ah oo heysta Baasaboorka Ajnabiga, kuwaasi oo ku shaqeysta, taasi oo uu sheegay in ay ku kalifeen daruufo, hadana intooda badan ay ka maarmeen oo ay qaateen Baasaboorka Soomaaliga ah oo ay meelkasta ka heli karaan.

“Aad iyo aad ayaan u jeclaan laheyn in ganacsadaha, masuuliyiinta, iyo cid walba oo Soomaali ah in ay qaadato Baasaboorka Soomaliga, taasina waxay xoojineysaa oo ay kaabeysaa dadaalada aan ku wadno Baasaboorka Soomaaliga sidii booskiisa loogu soo celin lahaa, hadii Soomaalida ay aad u isticmaalaan Baasaboorka Ajnabiga waxay meesha ka saareysaa jiritaanka Baasaboorkeena”. Ayuu yiri Agaasime Koofi.

Dhanka kale Maxamed Aadan Jimcaale (koofi) Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta marki ku ahaa Barnaamij ka baxayay TV-ga warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in horey ay u fududaan jirtay helida Viisaha dalka Hindiya, balse hada ay adkaatay.

Koofi wuxuu sheegay in uu la xiriiray Dowladda Hindiya wuxuuna sheegay in uu weydiiyay sababta xilliyadii dambe ay u adkaatay helida Viisaha Hindiya, wuxuuna tilmaamay in ay u sheegeen arrintan in ay keentay iyada oo la fiirinayo arrimaha amniga.

Sidoo kale wuxuu sheegay Agaasime Koofi hada in uu socdo wada hadalkii lagu dhameyn lahaa arrintaas, maadaama Soomaali badan ay dalka Hindiya ugu tagaan arrimo Ganacsi, Waxbarasho iyo Caafimaad.

Xigasho-Risaala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here