Imaaraadka Carabta oo sheegtay in ciidamadeeda kala baxayso dalka Yemen

0
111

Dowlada Imaaraadka Carabta UAE ayaa sheegtay in ay ciidamadeeda ka saareyso dalka Yemen,iyadoo ku macneysay in ay dhamaadeen dagaaladii dalka Yemen.

Hase yeeshee saraakiil u hadashay dowlada Imaaraadka ayaa waxa ay sheegeen in ay sii joogi doonaan ciidamo ka hortagga argagaxisada.

Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan amiirka , Abu Dhabi, ayaa warkan ku sheegay boggiisa Twitterka Arbacadii. Amiirka ayaa sheegay in uu soo xigtey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Anwar Gargash, kaasoo sheegay in dagaalka dalka Yemen uu dhamaaday.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Boqortoyada Sacudi Carbiya. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay isbahaysiga uu hogaamiyo Sacudi Carabiya oo ku saabsan warkan ka soo baxay Isutagga Imaaraadka Carabta.

Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ahaa dalalkii ugu firfircoonaa ee huwanta Carbeed kuwaasoo farogelin ku sameeyay sanad kahor dalka Yemen iyagoo caawinayay ciidamada dowlada Yemen kadib markii ay dagaalyahanada Xuutiyiinta ay la wareegeen inta badan gobolada dalka Yemen.

Inkastoo dowlada Imaaraadka Carabta ay sheegtay in ay kala baxayso ciidameeda dalka Yemen ayaa hase ahaatee waxaa jira dagaalo ka dhacay deegaano kala duwan oo dalka Yemen ah ay ku dhinteen 48 ruux halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxa ay sidoo kale sheegayaan in 65 ruux ay ku dhaawacmeen iskahorimaad hubeysan oo ka dhacay magaalada hareereysan ee Tacis iyo weliba Shabwa,Jawf iyo gobolka Ma’rib.

Siddeetan askari oo ka mid ahaa ciidamada Imaaraadka ee dalka Yemen soo gaaray ayaa ku dhintey tan iyo markii ay bilowdeen howlgalada ciidamada huwanta bishii March 26, 2015.

Bishii September ee la soo dhaafay 45 askari oo Imaaraad ah ayaa lagu diley duqeyn iyadoo ay ahayen markii ugu horeysay ee ciidamo tiradaa leh ay muddo 44 sano ku dhinteen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay bishii Febraayo in ugu yaraan 2,800 oo rayid ah lagu diley dagaalada Yemen ayna ku dhaawacmeen 5,300 oo kale tan iyo markii isbahaysiga ciidamada ay soo galeen dalka Yemen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here