In ka badan 200-kun qof Muslimiin ah oo Salaadda Jimcaha ku Dukaday Masjidka Al-aqsaa.

0
81

Inkastoo Xukuumada Isra’iil ay hore cunaqabateyn u  saartay dadka salaada u aada   Masjidka barakeysan ee Alaqsaa, oo ay ka mamnuucday inay Masjidka galaan Rag da’adooda ka yartahay 45 sano, ayaa waxaa shalay  salaadii Jimcaha ku dukaday dad tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 200-kun oo qof.

Dadkaasi Salaada Jicmaha ku dukaday Masjidkaasi, ayaa la sheegay inay ka kala yimadeen dhamaan degaanada  falastiin oo ay ku jirto marinka Gaza kuwaasoo xoog ku dhaafay Askartii ku waregsaneyd dhismaha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa oo ay Yahuudo halkaa geysay.

Waxaana la sheegay in tirada  intaa la eg ee Salaadda Jimcaha waajibaadka farliga ku gutay Masjidka Al-aasa ay  tahay tiradii ugu badneyd tan iyo markii Isra’iil xayiraada ku soo rogtay muslimiinta ka cibaadeysanaya Masjidka.

Isra’iil  ayaa  waxa ay xoog ku qabsatay  Dhulka Falastiin Sanadkii 1948, iyadoo mudadaasi ilaa iminka ay cunaqabteyn dhan walba ah ku haysto Falastiiniyiinta dulman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here