Ingiriiska oo dib u dejin u sameynaya 20 kun Qaxooti Suuriyaan ah

0
91

London(RKGS)– Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay inay dhameystirtay  ama diyaarisay  imkaaniyaadka ay u baahan yihiin iyo goobihii  la dejin lahaa 20 kun Qaxooti cusub ee Suriyaan ah oo muddo 4 sano gudahooda ah.

Wasaaraddu waxay intaa racisay in qorshahan dib u dejinta Qaxootiga cusub ee Suuriya, uu yahay mid uu hore u ballan qaaday R/wasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron, iyadoo 10 milyan oo ah  Gini Ingiriiska ah ay ku bixi doonto waxbarashadooda dhanka luqada  Ingiriiska si ay hadhaw dadka ula qabsadaan .

Daraasad ay sameeyay  Qaraamada Midoobay ayaa lgu ogaaday in dalka Ingiriiska ay  gaareen 2.800 Qaxooti oo Suuriya ah, waxaana dagaalka ka socoda dalkasi ku barakacay 4.5 milyan oo qofoo Suuriyaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here