Israa’iil oo Dad shacab ah ku dishay marinka Gaza.

0
122

Ugu yaraan Saddex Qof oo ka mid ah Shacabka Falastiin ahaa ku geeriyootay duqeyn xagga Cirka ah oo ay Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ka geysteen bariga Magaalada Gaza.

Ahmed al-Bsous, oo 28 jir ahaa, Ubadah Farawneh, oo 29 jir ahaa iyo Mohamed al-Aareer, oo 27 jir ahaa, ayaa ku geeriyooday Cuspitaalka Al-Shifa ee Magaalada Gaza, markii uu dhaawac culus ka soo gaaray duqeynta ay geysteen Diyaaradaha Israa’iil.

Ashraf al-Qudra oo u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa Al-Jaziira u sheegay inuu duqeynta ku dhaawacmay Qof kale oo rayid ah, kaasoo xaaladdiisu ay aad u liidato laguna baxnaaninayo Cuspitaalka.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Israa’iil ayaa Boggiisa Twitter-ka ku sheegay inuu bar-tilmaameedkoodu ahaa Toddoba xarumood oo ay Xamaas ku leeyihiin marinka Gaza, halkaas oo ay kasoo weeraraan Ciidamadooda ku sugan xuduudda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here