Japan oo xoojineysa howlaha lagula dagaalamayo Burcad badeeda

0
91

jaban(RKGS)  Dowladda Japan ayaa sheegay in ay xoojinayso howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Japan ayaa sheegay in ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ay shaqo badan ka qabteen xeebaha Soomaaliyeed , islamarkaan ay yareeyeen khatarta burcad badeeda oo hada ay sheegtay Japan in ay marayso meeshii ugu hooseeysay.

Waxaa lagu wadaa in xubno ka socda dalka Japan ay booqdaan dalka Jabuuti si ay u dhiirageliyaan howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee ka socda  Xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Cusub ee dowladda Japan u qaabilsan difaaca Tomomi Inada ayaa sheegtay in ay dhawaan booqandoono dalka Jabuuti si ay u dhiirageliso ciidamada ka socda dalka Japan ee la dagaalama kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

” Waxaan dhawaan booqan doona dalka Jabuuti si aan u dhiiragelino ciidamadeena shaqada badan ka haya xeebaha  Soomaaliya iyo biyaha caalamiga ah ee dagaalka kula jira kooxaha burcadbadeeda” Waxaa sidaas tiri wasiirada difaaca dalka Japan Tomomi Inada.

Dowladda Japan ayaa qeyb ka ah howlgalka la dagaalanka burcadbadeeda , waxaana saldhig ay kuleedahay dalka Jabuuti , halkaas oo ciidamadeeda ay ka qaadaan weerarada ka dhan ka ah burcadbadeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here