Jawaari oo digniin u diray dadka Faafiya wararka lidiga ku ah Golaha Shacabka

0
97

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa digniin u diray dadka Masuuliyiinta ah ee dowladda ka tirsan iyo dad Shacabka ah ee Baraha bulshada ku faafiya wararka lidiga ku ah Golaha Shacabka.

Waxa uu tilmaamay in aan la aqbali doonin in meel loogu dhaco sharafta Xildhibaanada Qaranka iyo Guddoonkooda Golaha Shacabka.

Jawaari ayaa sheegay in ay la xisaabtamaya cid walbo oo warar been ah ka faafisa Golaha Shacabka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xildhibaanada ay gudanaya oo keliya Waajibaadkooda Dastuuriga ah balse aysan jirin Wasiir iyo Xukuumad ay duulaan ku yihiin.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa baraha bulshada waxaa la soo dhigaayay qoraalo lagu muujinayo in Golaha Shacabka ay doonayaan in ay xilka ka qaadaan Wasiirka Dastuurka sidoo kalena ay mooshin ka keenaan Xukuumada.

Qoraalada baraha bulshada la soo dhigaayay ayaa ahaa sida guddoonka Golaha Shacabka uu sheegay kuwo meel loogu dhacayo Sharafka iyo Xasaanada Xildhibaanada Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here