Jubbaland oo soo bandhigtay meydadka Dagaalyahano Shabaab ah

0
118

Ciidanka Amaanka ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta waxa ay Magaalada Kismaayo ku soo bandhigeen meydadka Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab.

Meydadka ay soo bandhigeen Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin Shabaabkii la dagaalamayay Dadka xoolo dhaqatada ah iyo Ciidanka Jubbland.

Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid-carab) oo ah Afhayeenka Laamaha amniga Maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay Shabaab in ay ka qabanayaan shacabka reer Jubbaland.Maalmahan Galbeedka Magaalada Kismaayo waxaa ka socday Dagaal goos goos ah, kaas oo u dhaxeeyay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Dad xoolo dhaqato ah, waxaana Dagaalkaas uu yimid kadib markii Shabaabkii ay Dadka Degaanka ku amreen in ay bixiyaan xoolaha ay u yaqaanaan Zakawaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here