Kenya iyo Itoobiya oo ka wada hadlaya la dagaallanka Al-shabaab

0
98

Ra,iisalwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Nairobi caasimadda Dalka Kenya,si uu ula kulmo madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta.

Labada masuul ayaa la sheegayaa iney ka wada xaajoon doonaan adkaynta nabad gelyada,la dagaallanka argagixisada gaar ahaan Al-shabaab oo qalalaasa ka wadda qaybo ka mida Gobolka,xoojinta ganacsiga, ka faa’iideysiga tamarta iyo dhammaystirka mashaariicda ay wadaan labada dowladood.

Hoggaamiyeyaasha Kenya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale ka wada hadlaya sidii loo xakamayn lahaa shaqaaqooyinka mararka qaarkood ka dhaca xadka ay wedaagaan labada dal , iyo falalka ka dhanka ah ammaanka.

Kenya iyo Itoobiya waxaa ka jooga Soomaaliya ciidamo qayb ka ah nabad ilaalinta midowga Afrika AMISOM, kuwaasoo dagaallo kula jira Ururka Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here