Kenya oo aan Maanta qaad u dhoofin Soomaaliya iyo Ganacsada oo ka hadashay

0
52

Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in saaka gebi ahaaba aysan  garoomada Jomo Kenyatta iyo Wilsan aysan  kasoo dhoofin qaad.

Ganacsatada qaadka oo la hadlay  Qaar ka mid ah warbaahinta  ayaa xaqiijiyay in garoomada Jomo Kenyatta iyo Wilsan aysan saaka kasoo dhoofin qaad lagu talagalay dalka Soomaaliya.

Ganacsada Beeraha Qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay ka xun yihiin go’aanka dowladda Soomaaliya ay qaaday , waxaana ay sheegeen in dhaqaalo badan uu ugu maqan yahay gudaha dalka Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa shalay si kumeel gaar ah u joojisay dhammaan duullimaadyada qaadka ee ka imaan jiray gudaha dalka Kenaya.

Dowladda ayaa talaabadaan u cuskatay arrimo amni, inkastoo aysan shaacin sababaha dhab ahaantii ku kalifay in ay qaaddo talaabadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here