Kenya oo bilowday darbiga ay ka dhiseyso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya

0
86

Kenya ayaa la sheegay inay bilowday dhismaha darbi weyn oo ay ka dhiseyso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo ciidamo fara badan soo dhoobtay xuduuda, si ay u sugto ammaanka goobaha darbiga laga dhisayo.

Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo Yuusuf Kaante ayaa sheegay in Kenya ay xirtay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca Gobolka Gedo, isla markaana aanu jirin wax isu socod ah oo u dhaxeeya Beled-Xaawo iyo Mandheera.

Waxaa uu sheegay in xiritaanka xuduuda ee dhanka Gobolka Gedo ay saameyn ku yeelatay ardaydii wax ka baran jirtay Mandhera.

Yuusuf Kaante ayaa sheegay in ciidamada la soo dhoobay xuduuda ay aaminsan yihiin inay sugayaan amniga goobta ay Kenya ka dhiseyso darbiga weyn.

Kenya ayaa horay u sheegtay inay darbi ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay uga hor-tagto weerarada Al-Shabaab ka geysanayaan gudaha dalkeeda.

Hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay tallaabada Kenya ay uga dhiseyso xadkeeda darbi weyn, taasoo ku tilmaamtay mid saameyn ku yeelan kara xiriirka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here