Kenya oo sheegtay iney dishay sarkaal katirsan Al-shabaab

0
85

Dowladda Kenya ayaa sheegay in ay dishay sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ay baadi goobaysay muddo sanado ah .

Dowladda Kenya ayaa sheegay in muddo aad u dheer ay baadigoobaysay shaqsigaas oo ay sheegtay in uu tirsana Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Boliiska degmada Kwale ayaa sheegay in ay dileen sarkaalkaas ka tirsan Shabaab sidoo kale ay baadigoobayaan saraakiil ka tirsan Shabaab oo ku sugan gudaha degmadaasi.

Francis Wanjohi ayaa sheegay in ay sidoo kale gacanta ku dhigeen Idiris Aadan oo ka mid ahaa saraakiisha Kenyaan ah ee ka tirsan Shabaab ee ku sugan degmada Kwale.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku raad joogto saddex sarkaal oo ka tirsan Shabaab kuwaasoo lagu tuhmaayo in ay ku sugan yihiin gudaha degmada Kwale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here