Kenya” Qasab ma ahan dib u celinta qaxootiga waxaa loo maraaya xeerarka caalamka”

0
87

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaan qasab lagu celin doonin qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee dalka sida uu sheegay wasiirka arimaha gudaha dowladda Kenya oo shalay ka hadlaayey xeryaha qaxootiga dhadhaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay in dowladda kenya ay tixgalinayso xeerarka caalamiga ah sidaas darted ay diyaar u yihiin in ay madaxda dowladda Soomaaliya kala hadlaan  waxkaste  oo ku saabsan xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Kenya in ay diyaar u tahay go’aanada dib u celinta qaxootiga in lagu saleeyo arimaha xuquuqul insaanka ,islamarkaana dib u celinta qaxootiga loo mari doono si sharciga waafaqsan .

Wasiirka ayaa gaashaanka u daruuray wararka qaar ka mid ah warbaahinta caalamku ay tabinaayeen taasoo aheyd in dowladda ay awood ku soo celin doonto qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here