khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashey Weeraro Naftii halignimo ah oo ka dhacay Afgaanistaan.

0
89

Wararka ka imaanaya dalka Afgaanistaan ayaa sheegayaa in qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac dhaliyay uu ka dhacay magaalada Jalalabad ee dalkaasi.

Saraakiisha ammaanka Afgaanistaan ayaa sheegaya in weerar naftii halignimo ah ah lagu qaaday Garoon lagu ciyaaro kubadda Cagta,kaasi oo ay ku geeriyoodeen ilaa 8 ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 50 kale.

Weerarkaasi ayaa ka dhacay magaalada Jalalabad oo ku taala dhanka Bari ee dalkaasi,saqdii Dhexe ee xalay xili halkaasi ay ka socotay ciyaar Kirikit ah sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta dowladda Afganistaan.

Sidoo kale meel bannaanka ka ah garoonkaasi ayaa la sheegay in ay ka dheceen 2 weerar oo kale,kuwaasi oo fuliyay 2 qof oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Dhawaanahan waxaa ka dhacay dalkaasi Afganistaan weeraro kaladuwan ee argagixisanimo,iyadoo dhawaan weerar ka dhacay islamagaaladaasi ay ku dhinteen ilaa 9 qof oo shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here