Khasaare Naf iyo maal oo ka dhalatay Volcano ka qaraxday Dalka Gu’antamala.

0
87

Qarax xoogan oo Volcano ah ayaa ku dhuftay Dalka Guantamaala oo dhaca Waqooyiga Ameerika,kaasi oo geystay khasaare xoogan oo Naf iyo Maalba leh,waxaana jira barakac iyo kala carar ay sameynayaan bulshada uu saameeyey.

War ay soo saareen saraakiisha Sare ee Dowladda Dalkaasi ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 75 qof ay geeriyoodeen 192 qof la la’yahay,taas oo ka dhalatay qaraxa foolkaanada laga magacaabo Fuego ee ka dhacday dalkaas,iyadoo Tuulooyin meelaha sar sare kuyaala gabi ahaanba ay qariyeen dambas iyo dhoobo.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa Hawlgab noqday talaadadii kadib markii ay foolkaanno horleh halkaas ka qaraxday, taas oo cirka ku shareertay uuro iyo sidoo kale dhagxaan dhalaalay kuwaas oo kusoo hoobanayey agga ay foolkaandu ka qaraxday.

Hay’adaha dalkaasi Guantamaala ee dhanka Cimilada ayaa sheegaya in Dad kabadan 1.7 million oo qof ay ku waxyeelloobeen foolkaanadii qaraxday Axaddii, halka inka badan 3,000 oo qof la daad gureeyey.

Qaraxii foolkaanno ee talaadadii ayaa aad loola yaabay kadib markii aqoonyahanada foolkaanooyinku ay sheegeen in ay qaraxa foolkaanadaan oo gaaray dherer dhan 10km oo hawada sare ah axaddii.

Gurmad xoogan ayaa ka soconaya halka musiibadu ay ka dhacday,iyadoo la badbaadinayo kumanaan qoys oo ay saameeysay musiibadaasi ka dhacday Dalka Guantamaala ee Waqooyiga Ameerika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here