KHASARIHII QARIXII MAGAALADA KISMAYO OO AY KUDHINTEEN HALDOORIYAAL SOOMAALIYA

0
133

Qaraxii Foosha Xumaa Argagaxana lahaa Ee Maleeshiyadka Alshabab Ay Labegsadeen Hotel Madiina Ex(cascasley ) ee Magaalada Kismaayo Waxaa Kudhintey in kabadan 20 Qof 50 Kalena waa ay kudhawacameen Dadka Dhintey Waxay Ahaayeen Dad haldooriyaal iyo Indhoba u ahaa umadda soomaliyeed wax tarna u lahaa wadanka .

Madaxda Qaranka oo uu ugu Horeyo Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ayaa Si kulul U canbaareyey isagoona Utacasiyadeyey dhaman dadkii shababku halkaasi ay kuxasuuqeen Dhankooda Madaxda Maamulka Jubland oo uu ugu Horeeyo Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madowe Ayaa Sheegey in tiro badani ay kudhinteen Qaraxaasi Oo uu kusheegay inuu ahaa mid shabab ay usoo maleegeen umada soomliyeed Gaar ahaan reer Jubaland Sida Madoowe sheegay dadka Dhintey oo inta badan warbaahintuna ay daabacaday waxaa kamid ahaa

3qofood oo Somali Kenyan ah

1qof oo Somali Canadian ah

1qof oo soomali british ah

2qof oo soomali American ah

3qof oo soomali Tanzanian ah

Lama faahfaahinta Tirada dhawacayada hadii ay jireen Dad dhalasho ajanabi lahaa iyo inkale

Dadka Kudhintey Werarkaasi Waxaa Kamid Ahaa Saxafiyiin , Siyasiyiin Iyo Waliba Dad rayid Ah oon Waxba Galabsan Dadkaasina Waxaa Kamid Ahaa Hodan naaleye iyo seygeeda oo dhawan Canada kasoo laabtey .

Hadii Aan Soo Qaadano Saxafiyada Hodan Naaleye Waxay Ahayd Gabar Saxafiyad Ah oo Waxbadan Kusoo Kordhisay Dhanka Warbaahinta Firfircoon oo Bulshaawi ah , waxayna kashaqeyn jirtey arimo ku,aadan isdhexgalka iyo in dadka lagu beero dowlad jeceelka .

Hotel madiina ex (cascasey) waxa intabadan dega dadka kayimaada qurbaha iyo dhalinyarada wax baratey ee Kunool magaladaasi wuxuuna Ahaa Hoteel sifiican oo bilicda magalada Kismayana wax kusoo kordhiyey.

Kooxda gacan saarka laleh alqaaida alshabab ayaa sheegtey masuuliyada weerarkaasi oo haddana si fiican ugu faantey sheegteyna inay dad saraakiil ah ay kulaayeen halkaasi taasoo ah mid xaqiiqda ka fog

In Kastoo Shabab Wali aysan Katagin Weerarka iyo Ugaarsiga shaqsiyaadka iyo Goobaha Muhiimka ah Waxaase laga dareemayaa hoos udhac aad u xoogan oo Dhanka Abooda ah

Kadib Markii ay aboodooda ay labba laabeen Ciidamada Dowladda Soomaliyeed oo Caawinaad Kahelay Ciidamada Midowga Africa Waxayna Ciidamaadasi Ay Kuguu Leysteen In Shabab Meelo farabadan oo Ay Kuxooga nayeen hada Laga Saaro oo Xitaa Kasarid Kaligeyd Ahayn hadana Lasii dagaayo Xaruumahooda , Waxaana Arintaasi Tusaale loogu soo qadan karaa Shabeelada hoose madama meelaha hadda lashego inay kuxoogan yihin ay kamid tahay Gobolkaasi

Daciif nimadaasi waxay shabab Kusoo Bilaabatey Markii laga saarey Magaalada Muqdisho sanadka markuu ahaa 2011kii wixii markaasi kadanbeyeyna waxaa hoos usii dhaceysay abooda kooxda argigixisada ee alshabab ee Kadagaalanta Somaliya.

Magaalada Kismaayo Oo hada ay qaraxaan ay kafuliyeen waxay kamid tahay magaalooyinka sida abooda lahi looga saarey lagana xureeyey sanadku markuu ahaa 2012 kii magaladaasina waxay u ahayd magaalo staraatiij oo deked leh oo macano badan ugu fadhiisey shabab , hase ahaatee arinkaasi waxaa maya yiri ciidamada dowlada soomaliya oo kaashanaya kuwa Amisom.

Shabab Mudo dhawr sano ah wax Qaraxyo ah oo nuucani ah kama fulin sababtuna waxay ahayd dadaalo dheri ah oo ciidamada jubland ay kasameynayeen Magaaladaasi iyo deganada Kuharereysan

Dhamaan Bulshada Somaliyeed ayaa u akhriyey Arintan iyo Beegsiga Alshabab Ay ku hayaan Dadka Indheer garadka Mid Ay ugu Talo galeen inay indhaha kaga ridaan umada soomaliyeed iyagoona intaa kudarey in Muhiim Ay tahay in shabab Meel looga soo wada Jeesto Lagana Saaro dhaman gayiga Soomaliyeed Meel kastoo imikan Ay Kudhuumaaleysanaayaan.

Werarkan Shababka Ay Kismaayo Kafuliyeen ayaa Imanaya xili magaladaasi ay diyaar garow ugu jirto doorashooyin baarlaman iyo mid madaxweynaba .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here