Konfurta Sudan oo ogolaatay Ciidamo nabad ilaalin ah.

0
86

Juba(RKGS)- Madaxweynaha Konfurta Sudan Salva Kiir Mayardit, ayaa ogolaaday in dalkiisa la geeyo 4000 Ciidan nabad ilaalin ahoo uu hore u diiday, kuwaasoo kala dhex gala maleeshiyaadka dagaalka u dhaxeeya.

Ciidamadan ayaa waxaa hore u ansixiyay in konfurta Sudan la geeyo Golaha amaanka ee Qaraamda Midoobay, kdib markii halkaa dib ugu soo cusboonaaday dagaal beeleedkii u dhaxeeyay Madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii Riek Machar.

Caasimadda Konfurta Sudan ee Juba ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa dib ugu bilawday dagaal ay dad badan ka barakaceen khasaare badan geystay kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 300 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here