Koonfur Galbeed Oo Dowladda Soomaaliya Iyo Beesha Caalmka Ka Dalbatay Sidii Alshabaab Loogu Xureyn Lahaa Deegaanada Koonfur Galbeed.

0
101

Madaxweynaha dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa waxaa uu ka hadlay dhibaatooyinka kooxda alshabaab  ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada koonfur galbeed soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in dhibaatooyinka ugu badan maleeshiyada alshabaab ay ku hayaan deegaanada koonfur galbeed, gaar ahaan wadooyinka xiriiriya degmooyinka iyo gobalada maamulka uu ka aramiyo.

Sidoo kale madaxweynaha koonfur galbeed soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa dowladda soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka codsaday in laga wada shaqeeyo sidii kooxda al shabaab looga xureyn lahaa guud ah dalka, gaar ahaan deegaanada koonfur galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here