Kulan looga hadlay amniga oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

0
91

Muqdisho (RKGS) Kulaka oo looga hadlay in si mideysan looga qeyb qaato sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay gudoomiyaha Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taliyeyaasha qeybta guud gobalka Banaadir ee booliska iyo nabad sugidda, qaar kamid ah maamulada degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka oo ka duwanaa kulamadii ay horay u yeelan jiray maamulka gobalka Banaadir, ayaa waxaa looga hadlay amaanka Caasimada waxaana uu ujeedkiisu ahaay in degmooyinka bartaha magaalada Muqdisho ay yeehstan wadashqeyn xoogan oo dhanka amniga.

Taliyaha Qeybta guud ee Gobalka Banaadir Bishaar Abshir Geedi oo kulanka ka hadlay ayaa ku dhaliilay maamulada degmooyinka iyo taliyayaasha saldhigyada in ay ka gaabiyeen sugida amniga degmooyinka.

“Gudoomiyaha Degmada wxaa hoostaga taliyaasha saldhiga ee Boliiska iyo Nabad sugida hadii uu ku shaqeeyo laamaha amniga degmada codowga kuma dhiiran laheyn in gudaha degmada uu wax kudilo” ayuu yiri, Taliyaha Qeybta guud ee Gobalka Banaadir Bishaar Abshir Geedi.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale oo kulanka soo xiray waxa uu sheegay in maamulada degmooyinka ay jiri doonto la xisaabtan dhab ah oo dhanka amniga.

“Maalmaha soo socda waxaa jiri doona la xisaabtan dhab ah oo ka duwan kuwii hore amniga degmadaada adigaa masuul ka ah waana laguugala xisaab tami doono waxaa xilal kooda ku weyn doona masuuliyin degmo iyo saraakisha amniga degmada” ayuu yiri, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale.

Tan iyo markii Maamulka Gobalka Banaadir si toos ah loo hoos geeyay laamaha amniga ee qeybta guug Gobalka Banaadir ee Boliiska iyo Nabad sugida ayaa waxaa jiray Kulama looga arin sanaayo sugida amniga magaalada Muqdisho inkastoo mararka qaar ay degmooyinka gobalka ka dhacaan falal lidi ku ah Amniga Caasimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here