Kumaandooska Soomaaliya oo cagta mariyay fariisimo ay lahaayeen Shabaab

0
85

 

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Soomaaliya ayaa burburiyay fariisimo kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Beerxaano oo ka tirsan gobalka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in howlgalkaan uu ahaa mid qorshaysan oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo muhiim u ah kooxdaan.

Goobaha ay Burburiyeen ciidanka kumaandooska ee Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah xarumo Al-Shabaab ay ku qaadi jireen lacaga baada ah oo ay dadka xooga uga qaadaan.

Mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya  waxay xoojiyeen weerarada ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxaana howlgalada xiriirka ah lagu qaarajiyay hogaamiyaal ka tirsanaa kooxdaan.

Xigasho Sonna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here