Labo dumar ah oo maxkamad loo soo taagay dilka Kim

0
123

Labo haween ah oo lagu eedeeyay in ay dileen Kim Jong-nam, oo ay isku aabo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo oogay dilkiisa.
Doan Thi Huong oo reer fiitnaam ah iyo Siti Aisyah oo Indunuusiyaan ah ayaa Lagu eedeeyay in ay wajiga ka mariyeen Kim sunta halista ah ee neerfaha waxyeesha ee VX isaga oo 13 Feebaraayo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kuala Lumpur.
Waxay ka soo muuqdeen maxkamad ku taalla caasimadda Malayshiya iyaga oo ay ilaalinayaan ciidammada sida khaaska ah u tababaran.
Haddii lagu helo in ay dileen waxay mutaysan karaan dil toogasho ah.
Doan Thi Huong ayaa markii ay dhagaysatay dacwadda sheegtay in ay fahantay balse aysan dambiile ahayn, iyada oo af Ingiriis ku hadashay.
Waxaa si wayn loo rumaysan yahay in Kuuriyada Waqooyi ay masuul ka tahay weerarkaas, arrintaas oo ay si wayn u diiday. Kim Jong-nam ayaan la gaban jirin sidii uu uga soo horjeeday xukuumadda Kuuriyada Waqooyi.
Dumarkan ayaa Maxkamadda mar kale ka soo muuqan doona 13 Abriil, dacwad oogeyaasha ayaana markaas codsan doona in si wada jir maxkamadda sare go’aan uga gaarto dacwadooda.
Labadooduba gacmaha ayay ka xirnaayeen markii maxkamadda la soo taagayay.
Qareenka Siti, Gooi Soon Seng ayaa maxkamadda ka codsaday in ay soo saarto amar ay booliiska iyo dadkii goobjoogeyaasha ahaa kaga mamnuucayso in ay gudbiyaan warar khatar gelinkara in gabadhaasi ay waydo xaqii ay u lahayd in ay hesho maxkamadayn cadaalad ah.
Labada dumarka ahba waxay horay u sheegeen in lacag lagu siiyay si ay uga qayb qaataan wax ay u malaynayeen barnaaamij maaweelo ah oo telefishin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here