Maalinta xoriyada jabuuti oo beledweyne laga xusay.

0
94

Baladweyne (RKGS) Boqolaal katirsan ciidamada qalabka sida ee dowlada jabuuti oo kusugan gobolka hiiraan ayaa udabaal dagay sanad guuradi 39 ee kasowaregatay marki dowlada jabuuti xurnimada kaqadatay gumeystihii faransiiska.

munasabad kooban oo lagu weynaynayay maalinta xorriyada dowladda jabuuti ayaa waxa kasoqeyb galay saraakiisha Ciidamada qalabka sida ee jabuti iyo soomaaliya qeybaha bulshada beledweyn iyo maamulka gobolka hiiraan .
Intii aysocotay munasabada ayaa qaar kamid ah Ciidanka dowlada jabuti waxaa ay fagaaraha kusoo ban dhigeen gaadi ka ciyaar ay kaga qeyb maalinta xoriyada jabuuti.

Waxaa ka kahadlay Taliyaha Ciidanka AmiSoM G/sare Xasan jaamac asagoona hambalyo udiray shacabka jabuuti. Manta waa maalin weyn oo shacbka jabuti oo dhan ay xusayaan sidoo kale ma hilmaamayo kaalintii Soomaali ay kaqadatay xornimada jabuti waayo dadka marki aan xoriyada raadinaynay naf iyo maalba noo huray sidaas waxaa yiri G/sare Xasanjaamac.

Ciidamada Jabuuti ayaa saaray calanka quruxda badan ee dowlada jabuuti.

Gudomiye kuxigeenka maamulka gobolka hiiraan maxamed Ibrahim oo munasabada sooxiray ayaa hambalyo udiray shacab weynaha jabuuti ayaa hanbalyo ku aadan xuska maalinta xoriyada jabuuti Madaxweynaha iyo shacabka reer Jabuuti.

Dowladda jabuuti ayaa xornimada kaqadatay gumeystihii faransiska 27 Juun 1977 kii waxaana kaalin balaran kaqatay in ay shacabka jabuuti xornimo helaan dowladii Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here