Maamulka Ankara oo sheegay inuu aqoonsaday ninkii weeraray Istanbul

0
100

Maamulka dalka Turkiga ayaa sheegaya inay aaminsan yihiin in ay garteen ninkii weeraray kalaabka Istanbul.

Ninkaasi ayaa dilay 39 qof oo u dabaaldegayay sanadka cusub.

Maamulka ayaa u maleynaaya inuu ka yimi mid ka mid ah dalalka bartamaha Aasiya, oo ay wehliyeen xaaskiisa iyo laba cunug.

Wuxuuna Turkiga galay bishii November ee sanadkii dhammaaday.

Qoyskiisa ayaa la sheegayaa in marar badan la xiray.

Booliska dalka Turkiga ayaa wado howlgal joogto ah tan iyo Isniintaa, balse illaa iyo hadda ninkaas ayaa baxsad ah.

Waxay laamaha amniga ee dalkaasi baahiyeen muuqaal uu iska duubay ninka looga shakiyay inuu weerarkaasi qaaday.

Booliska dalka Turkiga ayaa howlgalo sameeyay waxayna xireen 12 qof, iyadoo weli uu socdo ugaarsiga ninkii qaaday weerarkii Istanbul ee 39-ka qof ay ku dhinteen.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Numan Kurtulmus wuxuu sheegay in maamulka ay heleen faraha iyo akhbaarta aasaasiga ah ee ku saabsan ninkaasi, wuxuuna wacad ku maray inay si degdeg ah kusoo qaban doonaan.

Qiyaastii illaa 600 oo qof ayaa ku sugnaa kalaabka lagu caweeyo ee Reina markii ninkan uu weeraraayay Axadii.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.

Mr Kurtulmus wuxuu weriyayaasha u sheegay: “Xogta ku saabsan ninkan iyo muuqaalkiisa ayaan helnay”.

Mr Kurtulmus wuxuu xaqiijiyay in sideed qof la xiray. ka dib waxaa la arkay ciidamo gaar ah oo diyaarad ay wehliso oo howlgal ka fulinaya guri ku yaalla degmada Zeytinburnu.

Qofka weerarka fuliyay lama qaban, laakiin afar qof oo kale ayaa meelo kala duwan laga soo xiray.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa sidoo kale baahiyay muuqaallo ay ku sheegeen ninka laga shakisan yahay, balse ma cadda xilliga la qaaday iyo goobta uu ku sugnaa.

Xilli sii horeysay, warbaahinta dalkaasi ayaa soo xiganaya boolis sheegaya in ninka uu ka soo jeedo Uzbekistan ama Kyrgyzstan.

Booliska waxay sidoo kale baarayaa in weerarkan uu xiriir la leeyahay mid ay Daacish ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Ataturk, bishii June ee sanadkii dhammaaday.

Mr Kurtulmus wuxuu sheegay in weerarka uu “farriin” u ahaa howlgalka Turkiga ee Suuriya, balse uusan saameyn doonin.

Turkiga ayaa howlgal militari ka wado dalka Suuriya, kaas oo bilowday bishii August. Ujeedada waxay tahay in ururka la baxay Khilaafada Islaamka laga riixo nawaaxiga xuduudda Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here