MAAMULKA DEGMADA BEYDHABO OO KA WARBIXYEY WAXQABADKIISA

0
83

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Ahna Duqa Magaalada Baydhabo C/llaahi Cali Watiin Ayaa Waxaa Uu Ka Warbixiyay Waxqabadka Iyo Horumaradii U Dambeeyay Ee Mudadii Sanadka Iyo Barka Ahaa Maamulka Degmada Uu Ku Sameeyay Magaalada Baydhabo Sida Horumarada Laga Gaarey Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka,Iyo Dib U Dhiska Burburka Wadooyin Dhowr Ah Oo Halbowle U Ahaa Isu Socodka Dadka Iyo Gaadiidka.

Gudoomiye Cabdulaahi Watiin Ayaa Sheegay In Amaanka Magaalada Baydhabo Hadda Uu Yahay Mid Aad U Wanaagsan Asagoona Bulshada Qeybaheeda Kala Duwan Ee Reer Baydhabo Gaar Ahaan Dhalinyarada Ugu Baaqay Inay Ka Qeyb Qaataan Sugidda Amaanka Iyo Horumarada Ka Socda Deegaanka.

Sidoo Kale Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo Cabdulaahi Watiin Ayaa Sheegay Inay Muhiim Tahay In Dhalinyarada Ku Nool Magaalada Baydhabo Ay Ka Qeyb Qaataan Wacyi Gelinta Loo Sameynaayo Dhalinta Ay Qaldaan Maleeshiyada Alshaaab Kuna Booriyaan Wanaagga Iyo Horumarka Ka Socda Deegaanadooda.

Hadalkan Ayaa Gudoomiyaha Degmada Waxaa Uu Ku Sheegay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Qaar Kamid Dhalinta Magaalada Baydhabo Kaa Oo Lagu Baranayay Ka Qeyb Qaadashada Sugidda Amniga.

WARIYE FEYSAL MAXMED ISXAAQ

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here