Maamulka Q/dheere Oo Ka Hadlay Horumaro Ka Socda Degmadaasi.

0
92

Gudoomiyaha maamulka degmada Qansaxdheere ee gobalka baay Aadan Cabdi Qooqane oo la hadlay warbaahinta koonfur galbeed ayaa waxaa uu ka hadlay horumarada ka socda degmada oo ay kiamid yihiin amaanka, dib u dhiska, iyo sidoo kale adeegyada bulshada.

Gudoomiye Qooqane ayaa ugu horeyn waxaa uu ka hadlay amaanka degmada Qansaxdheere iyo deegaanada ku xeeran, wuxuuna sheegay in nabadda ka jirta degmadaasi ay tahay mid la, isku halayn karo.

Aadan Cabdi Qooqane ayaa sheegay in ciidamada amaanka koonfur galbeed har iyo habeen ay u taagan yihiin difaaca shacabka ku nool Qansaxdheere iyo deegaanada ku dhow, Asagoona sheegay inay wadaan qorshe ah in la,isku furo wadada xiriirisa Qansaxdheere iyo Baydhabo.

Wuxuu sidoo kale gudoomiyaha uu sheegay in degmada hadda ay ka socdaan horumaro la taaban karo oo ay kamid yihiin dib udhiska iyo sidoo kale adeegyada bulshada taana ay dadaal dheer ku bixiyeen maamulkiisa.

Degmada Qansaxdheere ee gobalka baay ayaa hadda u muuqata mid ka soo kabsanaysa dhibaatooyinkii sanado ka hor ay ku reebeen maleeshiyada al shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here