Maamulka Xudur’Waa in xafiisyada Wasaaradaha KG laga furaa Xudu.

0
90

Maamulka degmada xudur ayaa maanta waxey kulan kuyesheen xarunta shirirka ee degmadaasi  waxaana kulankaasi kasoo qeyb galeen gudoomiyaha degmada maxamed macalin axmed kuxigeenada degmada’arimaha bulshada iyo masuulin kale oo katirsan maamulka degmada xudur ee xarunta gobolka bakool.

Kulankaan oo ahaa kulankii todobaalaha ahaa ayaa waxaa looga hadlaayey waxqabadkii maamulka degmada bilihii lasoo dhaafey qorshiyaasha cusub iyo sidii loo xoojin lahaan.

Degmada xudur oo ah degmo gudoonsan ayaa  xiligaani maamulka waxaa uu dadaal ugu jiraa sidii loo hormarin lahaa xarumooyinkii loogu adegaayey bulshada iyo sii loo dhimeystiri lahaa dhismaha xafiisyada gudoomiyaasha iyo  qalabeytooda.

Sidoo kale Kulankaan oo todobaadkiiba hal mar ay yeshaan maamulka degmada xudur ayaa waxaa lagu soo hadal qaadey sidii dhamaan wasaaradaha dowlad goboleedka koonfur galbeed xafiisyo ay ugu furan lahayeen degmada xudur si isbedel hormarineed loogu sameeyey gobolka bakool gaar ahaan degmada xudur oo xarun u ah degmooyinka gobolka bakool.

Bilihii lasoo dhaafey degmada xudur waxaa laga hirgaliyey xarumooyin badan oo loogu adeego bulshada dhismooyin wadooyin idaacad lagu magacaabo (Radioxudur) oo lagu wacyi galiyo bulshada’xafiiska wasaarada garsoorka iyo cadaalada KG’qodis iyo dib u habeen ceelal biyo ay kacabaan bulshada degmada iyo adeegyo kale.

Dhanka kale saraakiisha ciidamada kala duwan ee kusugan degmada xudur waxey xooga sareen sidii ay u sugi lahayeen amniga guud ee degmada iyo degaanada kale ee katirsan oo qaar kood si dhumaleysi ah ay ku jogaan kooxda maleeshiyada nolal iyo nabad diidka al shabaab oo caadestey daadinta dadka aan waxba galabsan dhigooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here