Madaxda Midowga Afrika oo ka wada hadlaya doorashooyinka Soomaaliya.

0
84

Kigali (RKGS) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Kigali ee caasimadda Jamhuuriyadda Rwanda, halkaa oo uu kaga qeybgalayo Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daauud Aweys ayaa sheegay in madaxda Midowga Afrika ay kawada hadlayaan arimaha doorashooyinka Soomaaliya, oo si fiican loo falanqeyn doono.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa shirka Midowha Afrika ka sokow waxaa uu ka qeybgeli doonaa Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD, kaas oo lagu lafaguri doono xasaradda ka aloosan Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan iyo weliba hannaanka siyaasadda ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here