Madaxda Somaaliya iyo Kenya oo maanta Nairobi ku kulmaya.

0
109

Madaxweynaha JF, Somaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta lagu wadaa in magaalada Nairobi uu kula kulmo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta,kadib markii uu maalinimadii shalay uu booqday dalkaasi,
Qodobada ay kawada hadli doonaan dhinacyadaasi waxaa kamid ah arrinta dib u celinta qaxootiga, iyo iskaashiga labada dal gaar ahaan dhanka amniga.

Afhayeenka madaxweynaha Somaliyaa Daud Aways , ayaa sheegay in labada masuul maanta ay ka hadli doonaan qosobbo dhowr ah oo ay ku jiraan arimaha Qaxootiga ,,isagoo intaa raaciyay in heshiis laga gaari doono celinta dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa shalay booqday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab halkaas oo uu kula kulmay dadka qaxootiga ah iyo madax kale oo ka mid ah dowladda Kenya.
Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beeganta xilli ay jiraan xiisado ah celinta qaxootiga dadka Soomalaida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here