Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo maanta ku shiraya Muqdisho

0
88

Madaxda urur goboleedka  IGAD ayaa maanta lagu wadaa in  magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan  shir madaxeedka dalalka ku bohoobay ururkaasi , oo lagu aas aasay dalka Jabuuti sanadkii 1986-dii.

Shirkaasi waxaa ka qaybgalaya  madaxwaynayaal iyo wakiilo ka kala socda todobada  wadan ee ururkaasi iyadoo shirka qodobada ugu muhiimsan ay ka mid yihiin Arimaha Soomaaliya iyo xaaladda cakiran ee ka taagan dalka K/Suudaan.

Shirkaasi ayaa la xaqiijiyay in aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku imaan kara,isla markaana uuna u dhacayo sidii loogu talagalay.

Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in shirka maanta u furmaya madaxda IGAD looga hadli doono Arimaha Soomaaliya ,gaar cahaan doorashooyinka madaxtinimo ee soo socda,dib u dhiska hay’adaha dowladda,iskaashiga dalalka IGAD iyo xal u helidda arimaha dalka K/Suudaan.

Ururka goboleedka IGAD ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 1986, iyadoo sidoo kale Soomaaliya horey u martigelisay shirkii wasiirada arimaha dibadda dalalka IGAD.

Maalmihii u dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayay u diyaargarowga ku aadan martigelinta shir madaxeedka wadamada urur goboleedka IGAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here