Madaxwaynaha JFS oo tababar ugu soo xiray Balli-doogle Ciidan Komaandoos ah.

0
81

Muqdisho (RKGS) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa saaka gaaray Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobalka Shabeelaha Hoose Halkaas oo hada ah Saldhig lagu Tababaro Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha oo ay wehliyeen Taliyayaasha Xoogga Dalka Somaliyeed iyo Ciidanka Cirka, waxaana uu halkaasi tababar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Komaandooska Xogga Dalka Somaliyeed oo in muddo ah tababar uga socday saldhiggaasi, isagoo halkaasi khudbad ka jeediyay.

Saldhiggan waxa horey loogu tababaray Cutubyo ka tirsan Kommaandooska soamliyeed, kuwaasi oo qayb wayn ka qaatay la dagaalka kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab, iyagoo fuliyay hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxdaasi, laguna dilay hoggaamiyayaal muhiim u ahaa Nabad-diidka.

khudbadda Madaxwaynaha oo faahfaahsan waxaad kala socon kartaan bogga SONNA waqti dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here