Madaxweynaha Afghan oo shaaca ka qaaday in uu xabad joojin ku meel-gaar ah la galay Taliban.

0
84

Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa shaaca ka qaaday in uu diyaar u yahay xabad  joojin soconeysa illaa 20-ka bishaan  oo lala galo kooxda Taliban.

Khudbad uu baahiyay ayuu ku sheegay in dagaalada looga horjeedo kooxaha kale sida Daacish ay sii wadayaan,balse ay doonayaan in ay xabad joojin la yeeshaan Taliban.

Madaxweynaha Afghan waxa uu intaa ku daray in ciidamada ammaanka ay joojiyaan howlgalada ay kaga horjeedaan kooxaha hubeysan illaa 20-ka Juun oo ah marka uu dhamaado bisha Soon.

Ma cadda in tallaabada uu qaaday Madaxweynaha ee xabad joojinta ay si dhaqso ah u ogolaan doonaan Taliban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here