Madaxweynaha dalka oo munaasabadda Ciidul Adxaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed

0
85

Madaxweynaha J.F Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda ciiddul Adxaa, isagoo dhanka kalena ku baaqay in ay bulshadu dulqaad ka muujiyaan xaaladaha amni ee caasimadda ku soo kordhay.

Madaxweynaha J.F Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo ummadaha Muslimka oo dhan ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciiddul Adxaa, isagoo u rajeeyey in sannadkaan sannaadkiisa ay ku gaaraan, nabadgalyo, horumar iyo barwaaqo, sida caadada noo aheyna waxaan maalmahan oo kale ku dardaarmi jirnay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, shacabka Soomaaliyeed waxaan hubaa in ay is gargaari doonaan oo ay ka farxin doonaan kuwa liita ee u baahan garab.

“waxaan rabaa in dadkeyga aan u sheego in xaaladda dalka degan tahay, isla markaana maalin walba aan dhanka horumarka u dhaqaaqneyno, maalmahan isbaddellada amni ee Muqdisho ka jira, waxaan mar kale ku celinayaa in dadka Soomaaliyeed ay u dulqaataan, isla markaana ay gacan siiyaan ciidammada amniga Soomaaliyeed, waxaad la socotaan in cadowga dadka iyo dalka in uu doonayo sidii uu u istaajin lahaa horumarka ummadda, deegaannada Jamhuuriyadda qaarkood waxaa ka socda howlgallo xooggan oo lagu dhabar jabinayo kooxahan argagixisada, dadka Soomaaliyeed waan rajeynayaa in ay akhbali doonaan baaqa dowladdooda” ayuu yiri madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka oo maraya qeybihii ugu dambeeyey, waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u istaagaan sidii loo xaqiijin lahaa qamsoomidda doorashooyin  u dhaca si caddaalad ah oo aan lagu shuban, si dadka Soomaaliyeed ay u soo doortaan hoggaanka ay raaliga ka yihiin.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in la joogi xilligii loo dhaqaaqi lahaa goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka goleyaasha Qaranka, madasha wadatashiga Qaran ee Muqdisho fadhisa ayuu xusay in ay soo gabogabeyn doonaan dhowaan howlaha lagu hirgelinayo doorashooyinka.

“maalmahaan magaalada waxaa ka jira hadaaq siyaasaddeed, dadka dhallinyarada ah ee doonaya in ay hoggaanka dalka ka qeyb-qaataan waan soo dhoweynayaan, waana ku hambalyeynayaa, laakiin ceebeynta, dacaayadda iyo wax ka sheegidda dowladda iyo dalka Soomaaliyeed ma ahan midka lagu helayo hoggaan ama tallada dalka, waxaan ugu baaqayaa dadka siyaasiinta ah ee arrimahaasi ku howlan in ay dadka Soomaaliyeed dhagahooda maqashiiyaan waxa wanaagsan ee dalka ka socda, Soomaaliya waa dalka dhaqaaqay oo caalamka hortiisa ku socdey, waana inaan qirnaa arrintaas, ugu dambeyn waxaan mar kale ugu baaqayaa shacabka Muqdisho in ay u dulqaataan arrimaha amniga ee abuuray jawiga adag inta uu ka dhacayo shirka IGAD, ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here