Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Oo Maanta Xarigga Ka Jaray Bankiga Dhexe Ee Dowladda Koonfur Galbeed.

0
138

Baydhabo (RKGS) Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Hasan Sheekh Aadan Ayaa Maaanta Xariga Ka Jarey Xarumaha Bankiga Dhexe Iyo Xarunta Maxkamada Sare Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu Horeyn Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed  Soomaalia  Ayaa Waxaa Uu Xariga Ka Jarey Xarunta Bankiga Dhexe  Ee Baydhabo Waxaana Xarig Jarka Ku Wehlinayey Waziirka Wazaarada Maaliyada DKG Soomaaliya  Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Iyo Masuuliyiin Kale Oo dowlada Ka Tirsan.

Ugu Horeyn Waziirka Maaliyada DKG Soomaaliya Mudane Sheekh Hasan Ibraahim Lugbuur Ayaa Ugu Horeyn Sheegey In Tani Ay Qeyb Ka Tahay Hanaanka Dowladeed Loona Baahan Yahay In Loo Mahadceliyo Cid Kasto OO Gacan Ka Geysatey Fulinta Howsha ah Dayactirka Xarunta BankigaDhexe Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka Kale Waziirka Maaliyada DKGS Ayaa Baaq U Jeediyey Dadka Ganacsatada Ah Iyo Shirkadaha Ka Shaqeeya Deegaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Taasi Oo Ah In Laga Qeyb Qaato Dayactirka Xarumihii Dowlada Si Bulshada Looga Adeego.

Madaxweynaha Dowlada DKG Somaaliya Mudane Shariif Hasan Sheekh Aadan Ayaa U Mahadceliyey Dhamaan Dadkii Ka Qeyb Qaatey Dhismaha Xarunta Bankiga Dhexe.

Shariif Hasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlada DKG Dhanka Kale Wuxuu Wazaarada Maaliyada Ugu Baaqeyn In Bulshada Ay Ku Dhiira Galiso In Ay Ku Kalsoonaadaan DOwlada Gaar Ahaan Bankiga Dhxe Ee DKGS.

Xanaanka Dowladnimo  Oo Tiir Muhiim U Ah Helida Nidaam Xufan OO  Dowladnimo Ayaa Dowlada Koonfur Galbeed Ku Dadaashey  Dhismaha Xarunta Bankiga Dhexe Ee Dowladda.

Goor Dhow Naga Filo Sawirada Oo Dhamaystiran Insha,allaah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here