Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Oo Soo Gaarey Magaalada Baydhabo.

0
107

Madaxweynaha dowladda koonfur galbeed soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan Iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa galabtan dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG koonfur galbeed soomaaliya, kadib safar shaqo uu uga maqnaa dalka debaddiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka dayuuradaha Shaati Gaduud International Airport waxaa ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan koonfur galbeed, Sida wasiiro, Xildhibaano, maamulka gobalka iyo midka degmada baydhabo, Odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soo Dhoweyn kadib ayaa madaxweynaha waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee baydhabo halkaasi oo ay kaga sii horeeyeen masuuliyiin iyo siyaasiin.

Madaxweynaha dowladda koonfur galbeed soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku maqnaa safaro shaqo oo uu ku tagay gudaha Dalka iyo debaddiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here