Madaxweynaha Hirshabeelle oo Wasiir Shaqadda ka Eryay

0
73

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda maaliyadda maamulka Hirshabeelle , waxaana uu sidoo kale Magacaabay Wasiir cusub.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed  Maxamuud Cabdulle , waxaana uu lagu eedeeyay in uu ka gaabiyay howlaha horumarinta Maaliyadda maamulka Hirshabeelle.

Cosoble ayaa sidoo kale Wasiirka cusub ee Wasaaradda maaliyadda u Magacaabay Zaki Cabdi Xaraare oo uu sheegay in uu aqoon u leeyihiin horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha maamulka Hirshabeelle.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Wasiirada ay si buuxda u gutaan shaqadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here