Madaxweynaha Hirshabelle Oo Magacaabay Saddex Degmo Oo Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

0
100

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosbole ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay saddex degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Hiiraan.

Saddexda degmo e ela magacaabay ayaa kala Halgan, Ceel-Cali iyo Far-Libaax iyadoo degmooyinka gobolka Hiiraan haatan gaaray siddeed degmo.

Gobolka Hiiraan  ayaa waxa uu  hore uga koobnaa shan degmo oo kala ahaa Beledweyne, Buula-burte, Maxaas, Jalalaqsi iyo degmada Matabaan. Magacaabista degmooyinkan ayaa noqonaysa tii  ugu horeysay ee uu magacaabo Madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabelle oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa  dhowaan dhisay maxkamado islaami ah oo  ka howlgala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here