Madaxweynaha JFS oo shir guddoominaya shirka Golaha Wasiirrada.

0
114

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shir Guddoominaya shirka Golaha Wasiirrada ee XFS ayaa xukuumadda ku bogaadiyay howlaheeda shaqo.

Shirkad ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ah Ra’iisul wasaaraha Dalka mudane, Xasan Cali Kheyre, RW ku xigeenka Dalka, golaha wasiiradda iyo guddiyadooda kala duwan.

Waxaana haatan soconaya dhagaysiga warbixinnada Guddiyada kala duwan ee Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu ugu horreeyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka.

Guddiyada ayaa halkaasi waxay kusoo bandhigayaan wax qabadka xukuumadda iyo qorshayaasha u degsan mustaqbalka, iyadoo Xogahayaha joogtada ah ee Xafiiska RW, Axmed Nuur iyo xubnaha la shaqeeya ay halkaasi kusoo bandhigeen.

Qorshayaasha ay soo bandhigayaan guddiyadan ayaa waxaa ka mid ah ,Tubta Siyaasadda loo dhan yahay,Tubta dhaqaalaha, Tubta arrimaha bulshada, Tubta amniga iyo caddaaladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here