Madaxweynaha Koonfur galbeed”Shacabka K/galbeed waa in ay taageeraan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab”

0
87

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay shacabka kunool deegaanada maamulka Koonfur galbeed in ay AMISOM ku taageeraan dagaalka lagu la jiro ururka Shabaab .

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shabaab laga ciribtiro deegaanada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Shariif ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay dagaal culus kula jiraan maleeshiyada Shabaab sidaa darteedna shacabka koonfur galbeed looga baahanyahay in garab istaagaan.

Dhawaan maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in deegaanada maamulka Koonfur galbeed Shabaab looga saarayo maalmo kooban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here