Madaxweynaha Masar iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo heshiis ka gaaray muranka Webiga Nile.

0
94

Kadib kulan labada hoggaamiye uu ku dhexmaray madaxtooyada Masar ayaa waxay siweyn uga hadleen Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abby Ahmed iyo Madaxweynaha Dalka Masar C/fataax Alsiisi muranka ka taagnaa isticmaalka biyaha Webiga Nile oo mara wadamada Itobiya,Suuudan iyo Masar.

Raiisul Wasaaraha Dalka Itoobiya ayaa u xaqiijiyay madaxweynaha Dalka Masar inuusan dalkiisa marnaba waxyeelli doonin Saamiga Masar ee Webiga Niil, xilli ay Dowladda Masar ay walaac ka muujinayso talaabadaasi dowladda Itoobiya ay biyo xireenka ku sameynayso,mashruucaasi oo loogu magac daray Dib-u-curashadda Ethiopia ((The Grand Ethiopian Renaissance Dam,arrintaasi oo in muddo ah soo jiitamaysay.

Abby Ahmed Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo ka hadlayay kadib shir jaraa’id oo ay siwada jir ah u qabteen isaga iyo Madaxweyne Alsiisi ku cadeeyey in Itoobiya aysan doonaynin in ay dhibaato gaarsiiso danaha shacabka reer Masar,balse uu doonayo oo qura in dalkiisa uu ka faa’idaysto biyaha Webiga Nile.

Riisul Wasaare Abby Ahmed  ayaa sidoo kale tilmaamay in sababaha uu u yimid Qaahira tahay sidii loo dhisi lahaa Kalsoonida labada Waddan, xalka Biyaha Webiga Niil, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Ethiopia doonayso inay kordhiyaan Saamiga Biyaha ee Masar.

Dhankiisa, C/fataax Al-sisi Madaxweynaha dalka Masar ayaa  soo dhaweeyey Niyadsamida uu muujiyey Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia oo booqasho labo maalmood ah ku jooga Masar.

Habeenkii xalay hoggaamiyaasha waxaa ay si wada jir ah uga qeybgaleen kulan Afur sharaf oo madaxweyne Alsiisi uu aqalka madaxtooyada Dalkaasi ku sameeyey.

Waxyaabaha kale oo labadan mas’uul ay isla soo hadal qaadeen waxaa kamid ah Iskaashiga Ganacsiga iyo Warshadaha, sidii ay Masar deegaan Warshadaysan uga dhisan lahaayeen gudaha Ethiopia, Maalgashiga Shirkadaha Khaaska ee Masar ee gudaha Ethiopia iyo waxyaabo kale oo lagu xoojinayo xiriirka labada Dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here