Madaxweynaha oo furay qeyb cusub oo lagu kordhiyey dekedda Muqdisho

0
83

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray qayb cusub oo lagu kordhiyay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Qaybta cusub oo ah nooca loo yaqaan (Dry Port), ayna maal-galisay, shirkad caalami ah oo lagu magacaabo (Simatech International) ayaa loogu talagalay inay fududayso, fulinta hawlaha kala duwan ee dekadda.

Dry Port-ka ayaa la dhigi doonaa gabi ahaanba konteennarrada laga soo dajiyo dekedda, halkaas oo lagu marsiin doono baarista iyo canshuurta, haddii loo baahdana lagu hayn karo muddo dheeraad ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyay furitaankii goobtaas ayaa sheegay, in la xoojinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhiirragalinta maal-gashiga dalka.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray, in ay jiraan qorsheyaal kale oo lagu ballaarinayo dekedaha dalka oo dhan, wuxuuna u mahad celiyay Simatech International.

Qaybta lagu kordhiyay dekedda Muqdisho oo laga dhisay meel ka dadban goobaha ay ka socdaan hawlaha culus ee dekedda ayaa sahli doonta, hawlaha kala duwan ee dekedda oo laga yaabo inay mararka qaarkood isku cakirmaan.

By:MOhamed Adm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here