Madaxweynaha oo ka hadlay in la hakiyo Howlaha Dowladda

0
132

Muqdisho-RKGS- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyay Warqad go’aan aheyd oo lagu joojinayay Qaar ka mid ah Howlaha Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in arintaasi looga golleeyahay, maadaama lagu guda jiro xilli kala guur ah in ay dhacaan Howlo badan oo Madaxda Dowladda iyo Hay’adaha Dowladda aysan isku raacsaneyn.

Go’aamada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa mudada lagu guda jiro xilliga kala guurka in Dowldda Soomaaliya aysan geli karin wax heshiis ah, sidoo kalena Magacaabis iyo Dalacsiin Mas’uuliyiin cusub aysan jiri karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here