Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhow gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab

0
82

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray Xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku nool yihiin nus milyan ruux oo Soomaali u badan.

Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago xerada qaxootiga Dhadhaab oo muddo 25 sano ay hoy u tahay qaxooti Soomaaliyeed ka cararay dagaaladii sokeeye ee dalka ka bilowday 1991.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmaya Mas’uuliyiinta Kenya ee ku sugan xeradaas iyo guddiyada qaxootiga, isagoo u kuur galaya xaalada nololeed ee qaxootiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la hadli doona qaxootiga, isagoo ku celin doona baaqiisa ku aadan in aan  xilligan la xirin xeradaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u gudbi doona magaalada Nairobi, halkaasoo maalinta berri uu kula kulmi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada Madaxweyne ayaa isla eegi doona arrinta ku saabsan dib u celinta qaxootiga, isla markaana dowladda Kenya ku adkeysaneyso inay xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah u sheegay in aysan suurta gal ahayn in si qasab ah lagu soo celiyo dadka Qaxootiga ah ee ku jira xerada qaxootiga Dhadhaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here