Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta u ambabaxaya dalka Kenya

0
96

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu u ambabaxo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa la qorsheynayaa in uu la kulmo dhiggisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, wuxuuna kala hadli doonaa go’aanka Kenya ay dib ugu celineyso qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerooyinka ku yaala dalkaasi.

Mudane  Xasan Sheekh Maaxamuud madaxweynaha Soomaaliya  ayaa dhowaan sheegay in aanay sax aheyn in qaxootiga dib loo soo celiyo, isla markaana ay dowladda Kenya kala hadlayaan arrinta qaxootiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here