Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlay dhaqaalaha laga jaray AMISOM.

0
85

Turkiga-KGSFM- Recep Tayyib Erdogen Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa ayaa waxa uu ka hadlay Dhaqaalaha Midowga Yurub ay ka jareen ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, xilli %20 Dhaqaalihii AMISOM la siin jiray Midowga Yurub ay jareen.

Recep Tayyip Erdogan, Madxweynaha dalka Turkiga ayaa qalad weyn ku tilmaamay dhaqaalo dhimistii dhawaan uu Ururka Midowga Yurub ku sameeyay Howlgalka AMISOM ee lagu xasilinayo dalka Soomaaliya.

Erdogan wuxuu muujiyay shaqada wanaagsan ee ciidamada AMISOM ka hayaan dalka Soomaaliya iyo dadaalada nabada ay ugu raadinayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhaqaalo dhimista lagu sameeyay howlgalka AMISOM ayaa sababay gaabis dhanka howlgallada ka dhanka ah Al-S-shabaab iyo Madaxweynaha dalka Kenya uu ku hanjabo in ciidamadiisa uu kala baxayo dalka Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa Bishii la soo dhaafay shaaca ka qaaday in ay dib u eegis ku sameyn doonto howlgalka Nabad Ilaalada ee AMISOM, kadib markii Ururka Midowga Yurub uu %20 jiray dhaqaalihii uu ku taageeryay howlgalkaasi.

Ugu dambeyn , Wakiilka gaarka ee Ururka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa waxa uu shaaca ka qaaday Lacagtaasi la dhimay in ay ku taageerayaan Hay’addaha kale ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

By:- Wadani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here