Madaxweynaha Uganda oo maanta ka dhoofay Muqdisho, kadib markii uu xalay ku hoyday

0
106

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda, kadib markii uu xalay ku hoyday Magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Uganda ayaa sheegtay in Madaxweyne Museveni uu markii u horeysay habeen ku hoyday Soomaaliya.

Museveni ayaa kula kulmay Xerada Xalane oo ah Taliska AMISOM ciidanka ka socda Uganda iyo saraakiishooda, waxaana la sheegay inuu u kuur galayay xaalada ciidanka.

Madaxweynaha Uganda ayaa ka mid ahaa Madaxdii ka qeyb gashay shir madaxeedkii IGAD ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Hase ahaatee Madaxda Kenya iyo Itoobiya ayaa isla gelinkii dambe ee shalay ka dhoofay Muqdisho, balse waxaa layaab laheyd in Madaxweynaha Uganda uu goostay inuu ku hoydo Muqdisho, iyadoo aan laga warqabin.

Ciidanka Uganda ayaa ah ciidanka ugu badan howl galka AMISOM, waana ciidankii u horeeyay ee Soomaaliya yimid sanadkii 2007-dii.

 

museveni1 museveni2 museveni4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here