Madaxweyne Erdogan oo eedeyn u jeediyey sarkaal ka tirsan militariga Mareykanka Jul 30, 2016 24 0

0
90

turkiga(RKGS)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyey xubin sare oo ka tirsan militariga dalka Mareykanka inuu qeyb ka ahaa afgambigii dhicisoobay ee kal hore ka dhacay dalka Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in General Joseph Votel oo kamid yahay xubnaha taageeray dadkii waday afgambiga, inkastoo sargaalkaasi uu sheegay in talaabada dowlada Turkiga ay ka qaadeyso ciidamadii ka qeyb galay afgambiga ay wax u dhimeyso wada shaqeynta dhinaca militariga

Recep Tayyip Erdogan madaxweynaha Turkiga ayaa tilmaamay in jawaabta dowlada Turkiga ay ka bixisay isku dayga afgambigaasi uu yahay mid muujinaya awooda dowladiisa, islamarkaana fariin u ah dowladaha cambaareynaya talaabooyinka dowladiisa.

Dowlada Turkiga ayaa amartay in la xiro xarumahii ay ka howlgali jireen ciidamadii ka qeyb galay afgambigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here