Madaxweyne Gaas iyo R/wasaaraha oo kulan la qaatay Xildhibaanada Puntland

0
97

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa xalay kulan caasho sharaf ah ugu sameeyey magaalada Muqdhiso Xildhibaanada  labada Aqal ee Puntland u metelaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinaayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Mas’uuliyiin ka mida goloyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale masuuliyin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Ugu horayn Madaxweynaha  Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa cashada kadib la dar-daarmay xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa golaha shacab ka ee Puntland u metelaya Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ku booriyey  masuuliyada saaran iyo shaqooyinka baaxada leh ee shacabkoodu ka sugayaan.

‘’waa xaqiiq waxa idin soo doortay shacabkinii waxaana ay idiin soo doorteen inaad ka shaqaysaan wax walba oo dan u ah horumarkooda, taana waxaad ku gaari kartaan idinkoo markasta xasuus naada masuuliyada iyo shaqada baaxada leh ee laydin ka sugayo, soomaaliya maanta waxay u baahan tahay wax sare uga qaada maanta halka ay joogto cida taa laga sugayaana waa idinka, Puntland feker kedii ahaa in maamul goboleed yada wax lagu soo doorto kumay khasaarin waayo maanta midhihii ka soo baxay waa idinka, waxan aamin sanahay inaad tihiin dad ka soo bixi kara masuliyada laydiin igmaday, waxaana idinkula dar-daarmayaa inaad markasta ka shaqaysaan masiirka ummadda Soomaliyeed,  waxaana ilalahay idiin waydiinayna inuu idin ku asturo masuuliyada laydiin igmaday’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynu ku adkeeyey xildhibaanada inay markasta ka feejignaadaan wax kasta oo carqaladayn kara jiritaanka Dowladd nimo Soomaliyeed, isla markaana ay ahaadaan kuwo ka shaqeeya maslaxadda guud ee dalka Soomaaliya iyo tan Puntland ee ku dhisan horumarka iyo Soomaali jecaylka.

Ugu dambayn, Ugu dambayn,Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas waxa uu  kula dar-daarmay xubnaha Aqalka Sare iyo kuwa golaha shacabka ee Puntland u metelaya Baarlamaanka Soomaaliya in ay ahaadaan kuwo tusaale wanaagsan u noqda guud ahaan Baarlamaanka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here