Madaxweyne Obama oo jeediyay Khudbadiisii ugu dambeysay

0
103

Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Mareykanka Barack Obama ayaa jeediyay khudbo uu ku macsalaameeyay taageerayaashiisa.

Hadalka ayuu u jeediyay kumannaan qof oo isugu soo baxay Chicago, halkaas oo ah meesha siyaasadda uu ka billaabay.

Dadka ayaa si weyn oo farxad leh ugu sabciyay Obama oo 20-ka bishan xilka ku wareejinaya Trump.

Wuxuu sheegay inuu ka tagayo Mareykank wanaagsan, oo awood leh, iskuna duuban.

Wuxuu tilmaamay inuu shaqa wanaagsan qabtay sideedii sano ee xilka uu hayay.

Haddaba maxaa kaga duwanaan karaa madaxweynaha dhawaan xilka la wareegi doona?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here